Golaha Gurtida Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo Dortay Gudoomiye & ku xigeen Warsaxafadeed Waraysi

199

ADC Baydhabo XaqiiqaWaxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay maanta lagu Doortay gudoomiye kowaad iyo kan labaad ee Golaha Gurtida Maamulka koonfur galbeed soomaliya kadib munaasabad kadhacday Xarunta shirka uu kasocdo ee ADC.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kanlamaad ee Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa maanta la doortay kadib markii Munaaasabad balaaran oo arintaasi kusaabsan lagu qabtay Xaruunta ADC ee uu ka soconaayo Shirweynaha dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Xilalka qabashada Gudoomiye Kuxigenka Koowaad ee Golaha Senedka oo ay utartamayeen Afar Musharax ayaa ugu danbeyntii wareega labaab waxaa isugusoobaxay Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur iyo Ugaas Warsame oo wareegii koowaad kusoobaxay ayadoo mudanayaasha codka dhiibanaayey tiradoodu ahayd 70 ayaa wareegii labaad kala helay 40 cod oo uu helay Ugaas Maxamuud halka 30 cod uu kahelay Ugaas Warsame sidaasna Gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida uu noqday Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur.

Intaa kadib waxaa loo gudbay Doorashadii Gudoomiyaha labaad oo ay utartamayeen sadex mudane oo wareegii koowaad midkamid ah musharixiinta oo lagu magacaabo Suldaan Siraaji Aadan helay 38 cod halkaana tartamiyaashii kale oo wareegii labaad ugudbilahaa ay kutanaasuleen sidaana Gudoomiye xigeenka labaad waxaa ku noqday Suldaan Siraaji Aadan.

Gaba gabadii ayaa halkaasi waxaa lagu dhaariyey Gudoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen ee Golaha Guurtida Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Malaaq Xasan Shure oo hadal kooban ka jeediyay Madashada Shirka ayaa Ergooyinka u sheegay in maalinta beri ah waqti fiican layimaado si loo magacaabo Gudiga Doorashada Madaxmeynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.