Golaha Shacabka oo diiday go’aan kasoo baxay maxkamadda Sare

241

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

Xildhibaanada ayaa difaacay xubnaha 8-da Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

Illaa 184 Xildhibaan ayaa aqbashay diidmada go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee doorashadooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa waxay muujineysa in iska hor imaad dhanka fulinta sharciyada ah oo dhex mara hey’adaha dowladda, iyadoo Garsoorka uu yahay hey’ad madax banaan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan xil heynta xubnaha Baarlamaanka iyo buuxinta kuraasta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay shan qodob oo qofka Xildhibaanka ah ku waayi karo xubnimadiisa Baarlamaanka.