Golaha wasiirada Galmudug oo la ansaxiyay(Sawiro)

208

Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee maamulkaas, kaddib markii ay maanta kulan ku yeesheen magaalada Cadaado.

Golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa maanta la ansaxiyay ka dib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu  hor-geeyay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah oo ay u qaadeen waxaa ansixiyay 52, halka 5 Mudane diiday, wax ka aamusay ma jirto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xukuumadda ay ansax tahay, isagoo ku wargeliyay inay gudan karaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ka kooban 52 Wasiir isugu jira Wasiir, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowlayaal  kuwaasi oo tiro ahaan ka badan  Wasiiradii hore ee C/kariin  Xuseen Guuleed.galmudug2-768x576 galmudug3-768x576 galmudug1-768x576 galmudug-768x576