Golaha Waziirada Oo Dood Kulul Kayeeshay Xalada Isgaarsiined Ee Somaliya

192

Shirka Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa shir guddoominayey ku -simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo looga hadlay dhowr qodobo sida ammaanka, deegaannadii Al-Shabaab laga qabsaday iyo in la dadajityo qorshaha ay Xukuumadda ugu talagashay in gobollada gacanta dowladda ku soo laabtay in la gaarsiiyo.

shirka golaha wasiirrada dhammaadkiisa kaddib ayaa wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Warbaahinta qaranka uga warbixiyey arrimihii looga hadlay shirka iyo go’aammadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay, isagoo xusay in shirka qeybtiisa hore diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka iyo sidii loo sii wada lahaa howlgallada la dagaallanka argagixisada iyo kuwa xasilinta ee ka socda magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen safarradii madaxda dowladda ay ku tageen waddamada caalamka qaarkood, gaar ahaan safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku teay dalka Japan, iyadoo dowladdaasina ay aqbashay in caawimadda Soomaaliya ay siineyso ay si toos ah u siiso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa carrabka ku dhuftay in golaha wasiirradu ay ka hadleen marxaladda isgaarsiineed ee dalka Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Isgaarsiinta ka jirta dalka wadashaqeyntooda.