Goormee la qaban doontaa doorashada guddoonka Baarlamaanka

288

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa oo Maanta Kulankooda labaad ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

1. 03 ilaa 05 Janaayo 2017 diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

2. 08 ilaa 09 Janaayo 2017 Khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

3. 11 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

4. 12 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.