Xiliga ay dhacayso doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo la shaaciyay

158

Baarlamaanka Puntland ayaa  maanta oo Axad ah go’aamiyay waqtiga ay dhaceyso doorashada xubanaha Aqalka Sare ee Maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeeshay Magaalada Garoowe ee xarunta  Puntland.
Xildhibaannada  Baarlamaanka Puntland aya aisku raacay in Maalmaha Isniinta iyo Talaadada ee  soo socoda ay xubnaha u tartamaya aqalka sare ay ku bixin doonaan  lacagaha laga rabo, sidoo kalena ay maalinta Arbacada ah soo gudbiyaan Araajida, si ay doorashada u dhacdo ugu dambayn maalinta  khamiista  ah oo ay Taariikhda ku beegan tahay 20ka Bishan Octoober.
Puntland ayaa waxaa ay ka mid tahay 3 dii  maamul ee Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ay ku celiyeen xubnihii ay soo gudbiyeen kadib markii ay buuxin waayeen Kootada Haweenka ee 30%.
Waxaa la sheegayaa in maamulka  uu is-beddel ku sameeyay xubnihii uu horay u soo gudbiyay, waxaana hadda 11 ka Kursi ee uu aqalka sare ka helay Maamulkaasi ku tartamaya 29 xubnood oo laga rabo in ay ka soo baxdo 11 xubnood oo kale ah.
Maamulka Galmudug, ayaa maanta soo gabagabeeyay doorashada xubanaha Aqalka Sare iyada oo 8 Xubnood ay labo ka mid ah loo doortay Haween.

 

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay xubnaha haweenka ay ka heleen maamulka Galmudug.

Danjire Keating ayaa boggisa twitter-ka ku soo qoray “waxaan ku faraxsanahay in labo haween ah ay ku soo baxaan doorashada Aqalka Sare ee Galmudug”.