Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo la kulmay wasiirka Amniga

201

Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ducaale.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa labada ku sime ahna ku xigeenada labada talis ee Nabad sugida iyo booliiska soomaaliya.

kulanka waxaa shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan  Foosiyo Maxamed Sheekh, waxaana loogu hadlay qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa su’aalo weydiiyay wasiirka amniga iyo kusimayaasha taliyaasha nabad sugida iyo booliiska soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho lagula xisaabtamay Mas’uuliyiintii Hay’addaha Amniga.