Guddiga doorashada 3 maalmood u qabtay maamul-gobaleedyada

295

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada dalka ka jira  ee aan weli  bilaabin doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ugu baaqay in mudo 3 maalin gudahood ay ku soo dhameeyaan waxyaabaha ka dhiman Diyaargarowga qabsoomida Doorashada Xubnaha Aqalka hoose.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan, ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somaliya looga baahan yahay  inay dadajiyaan dhismaha Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay in waqtiga uu yar yahay loona baahan yahay in 3 maalmood ee soo socota lagu dhamaan waxyaabaha dhiman ee Diyaargarowga ah.

Ilaa hada Maamulka Puntland ayaa soo doortay Xildhibaano gaaraya 12 Xildhibaan, kuwaasi oo hada la xaqiijiyay inay yihiin Xildhibaano rasmi ah oo Afarta sano ee soo socota ah.

Guddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku maray dhammaan xarumaha Maamul gobaleedyada, ayagoo u kuur-galayay diyaargorowga Doorshada.

31 bishan November ayaa la qorsheeyay in wadanka ay ka dhacdo doorashooyinka Madaxtinimo ee Soomaaliya, xilligaasi oo 275 ta mudane ee Aqalka Hoose ay dooran doonaan Madaxwaynaha Soomaaliya.