Guddiga Doorashada Dadban oo shaaciyay tirada xildhibaanada ilaa iyo hadda la doortay

264

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya  ayaa sheegay in ilaa iyo hadda  doorashooyinka ka soconaya xarumaha maamul-gobaleedyada lagu doortay 155 xildhibaan oo 20 ka mid ah yihiin dumar.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay in xubnaha  Aqalka Sare  ee la doortay ay yihiin  43 xubnood , halka doorashada Aqalka Hoosana ilaa iyo hadda la doortay 112 mudane.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle Cumar Dhagey, ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan sidoo kale Musuq maasuq la sheegay in ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee guuleystay.

Beesha Caalamk iyo  Madasha Hogaamiyayaasha Qaran ayuu ugu baaqdey in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada.

Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Gudiiga Doorashooyinka Dadban.