Guddiga Doorashada oo soo gebagebeeyay Socdaalkooda Puntland iyo Galmudug(Sawiro)

265

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ee Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyay Socdaal ay Ku kula bixiyeen Magaaloyinka xarumaha u ah Maalmul gobaleedyada dalka ka jira.

Guddiga ayaa booqasho Ku tagay labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay Magaalooyinka Cadaado iyo Garowe.

Booqadooda ayaa lagu sheegay in lagu doonayo dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka Hoose ee Soomaaliya.

Deeqo Yaasiin, Ku xigeenka guddiga doorashada ayaa sheegtay inay Cadaado kula kumeen Maraxwayne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ayna Ku wargaliyeen guddiga in ammaanka Cadaado uu yahay jawi nabdoon doorashana lagu qaban karo.

Magaalada Cadaado ayaa dhowaan waxaa la geeyay Ciidamo ka socda kuwa Nabad-ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, kuwaasi oo lagu wareejiyay ammaanka magaalada.

Maxamed Keynaan Afhayeenka Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Garowe ay u tageen Afar u jeedo oo midda ugu wayna ay ahayd in wax laga ogaado halka ay Puntland u marayso Doorashada Aqalka Hoose.

“Waxaan Garowe kusoo aragnay in doorashada xubnaha Puntland u matali doona Aqalka Hoose inay diyaar yihiin” ayuu yiri  Kenyan.

Guddiga ayaa horay waxaa ay u booqdeen Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay bilaabeen diiwaan galinta musharixiinta Aqalka Hoose, halka K/ Galbeed ay sheegeen inay horey u diiwaan galiyeen.

 

30733546635_c8612a4dde_b30098127693_ca9cbf1df8_b30623377941_20fd8c2e27_b30623379751_72ab18ab56_h30623384251_c808b6f6b3_b30623387481_3e57f83c3b_b30077260063_c8e7dc7041_b30711828785_ef6f63c2b4_b30594848902_662ba85768_b30675033206_20e6fe6921_b