Guddiga Doorashada oo wasiirka dhalinyerada ka joojiyay tartanka kursiga beesha Jidle

388

Guddiga Doorashooyinka Dadban we Soomaaliya ayaa tartanka kursiga Beesha Jidle ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka ka joojiyay wasiirka wasaaradda Dhalinyerada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux,  iyo musharax kale oo la yirahdo Axmed Sheekh Nuur Ciro.

Guddiga ayaa labadan xubnood ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen shaqaadii 18 November ka dhacday magaalada Jowhar.

Baaritaan ka dib ayaa guddiga waxaa uu ku amray ugaaska beesha Jidle inuu soo magacaabo xubno kale oo ku tartama kursigaasi.

Halkan ka akhriso warka Guddiga Doorashada
czgklzew8aixezxczgkmdkxeaunqi1