Guddiga Doorashooyinka Aqalka Sare oo la sameeyay

318

Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta Shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku doorteen guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka Aqalka sare.

Waxaa la doortay lix mudane oo laga soo kala doortay xarumaha maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 17-ka Bisha ilaa 19-ka Bishan oo ku beegan Khamiis waxaa socon doonta diiwaangelinta Musharaxiinta Aqalka Sare.

Maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 22-ka Bishan waxaa khudbado laga dhageysan doonaa Musharaxiinta u sharaxan Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

22-ka Bishan oo ku beegan maalin Axad ah ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida ay sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddonka Aqalka Sare.

Halkan ka akhriso magacyada guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka Aqalka sare.

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle.

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka socota Maamulka Galmudug.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Maamulka Puntland.

4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali oo ka socda Maamulka Somaliland.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed.