Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad goboleedka Galmudug iyo Wakiilada u matala Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan howlihii doorashooyinka ee ka dhacay Cadaado iyo hanaankii loo maray meel marintiisa.
War-saxaafadeedka Guddiga ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka ay iska kaashanayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen, isla markaana u laali lahaayeen kuraas laga soo maray doorashadooda dhib badan, iyagoo aan xog wareysi rasmi kala sameyn howl wadeenada iyo guddigooda.