Guddiga doorashooyinka Hirshabeele oo hakiyay doorashada Cabdullahi Goodax Barre.

451

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay kasoo  cusboonaadeen khilaaf iyo muran u dhexeeya maamulka Hirshabeele iyo guddiga doorashada dadban ee Maamulkaasi.

Wararka xaqiiqatimes uu ka helayo halkaasi waxaa ay sheegayaan in Khilaafkan uu salka ku hayo doorashada kursi kamid ah kuraasta maata la dooran lahaa,  gaar ahaan kursi uu u tartamayo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.

Guddiga doorashooyinka heerka Maamul gobaleed ee Hirshabeelle  ayaa la sheegay inuu hakiyay doorashada kursiga uu tartamayo Cabdullaahi Goodax, halka wararku ay sheegayaan in Madaxwaynaha hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoblle  uu amray doorashada kursigaasi ay socoto.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Maamulkaasi ayaa intaasi ka dib la sheegay inuu hoolka isaga baxay.