Guddiga Doorashooyinka oo hakiyay doorashada xubnaha deegaanada Soomaaliland

488

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee matali doona deegaanada maamulka Soomaaliland.

Guddiga ayaa sheegay inay doorashadaasi hakad ay ku jiri doonto ilaa inta laga xalinayo khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

War kooban oo ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay in la joojiyay doorashada

“Waxaan hakinay doorashada wakiilada beelaha Somaliland u matalaya Golaha Shacabka ilaa laga xaliyo khilaaf doorashada kajira #Doorashada2016” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Arrimahan ayaa iminaya ayadoo wali la isku haysto 24 kursi doorashooyinkooda natiijadii kasoo baxday.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa laalay 11 kursi Halka beesha caalamku ay guddigu waydiiyeen sababta looga soo tagay 13 xubnood oo horay loogu gudbiyay wakiilka QM ee Soomaaliya.