Guddiga doorashooyinka oo sheegay inaysan aqoonsan doonin doorasho ka dhacday Jowhar

233

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federal ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijadii kasoo baxday doorasho shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe.

Doorashadaasi ayaa waxaa kusoo baxay wasiirka Dhalinyerada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaasi oo horay looga reebay tartanka doorashada Aqalka Hoose.

War ay guddiga doorashooyinku soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga doorashooyinka Hirshabelle uusan sharciyad u lahayn inuu doorasho u qabto masharixiin aan guddiga heerka federal aan ka warqabin.

“Natiijada kasoo baxday doorashadaasi ma aqbali doono” ayaa lagu yiri warka guddiga.

Halkan ka akhriso warka guddigaczyxwayxgaabcdb