Guddiga Doorashooyinka oo hakiyay doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle

221

Guddiga Hergalinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saaray rabshadaha gacan ka hadalka ah ee la xiriira doorashooyinka.

Magaalada Jowhar ayaa xalay waxaa ka dhacay shaqaaqado sababay in dad ay Ku dhaawacmaan, taasi oo la xiriirtay doorashada Aqalka Hoose ee ka soconaysa Magaalada Jowhar.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed-ka guddiga Doorashooyinka ay ka soo saareen arrimahaasi

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /jowhar caawa oo ay taariikhdu tahay 18/11/2016, iyada oo ay socotay codeeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe.

 

Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.

 

Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga Deegaan Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, waxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.

Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban  waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle.

Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.

***DHAMMAAD***