Guddiga loo saaray arinta Qalbi-dhagax oo maalmo kooban loo qabtay

154
Guddiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya u saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda  6-ddii bishii  September  ee sanadkan ay ka qaateen Cabdikarim Qalbi-dhagax, Jabhadda ONLF  iyo heshiisyada la sheegay in ay soo galeen xubno ka tirsan dowladda ayaa codsaday in la siiyo maalmo kooban si ay u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran.

Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ka tirsan guddigaasi oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka 28aad, kalfadhiga 2aad ayaa sheegay in golaha ay siiyeen Sharciyad (Mandate) islamarkaana ay   shaqo fiican soo qabteen isaga oo intaasi ku daray in uu soo dhammaaday qorista warbixinta balse ay u  dhiman tahay wax yar oo ayna codsanayaan maalmo kooban oo ay Baarlamaanka ugu soo gudbiyaan warbixinta oo dhammystiran.

Guddoonka golaha Shacabka ayaa guddiga waxaa uu siiyay illaa sabtida dambe si looga dhageysto warbixinta oo dhameystiran

Dhowr mar ayey horay u baaqatay warbixinta guddiga laga sugayey, waana ballantii ugu dambeysay ee loo qabto si ay u soo gudbiyaan qoraal ay sugayaan dhammaan umadda.