Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo cambaareeyay af-duub loo gaystay xubno ka tirsan guddigaasi

209

Guddiga Madaxbanaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay Fal 28 kii bishii November la sheegay in lagu af-duubay xubno ka tirsan guddigaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddigaasi ayaa waxaa lagu cambaareeyay falkaasi.

Waxaa ay sheegeen in falka af-duubka ahaa ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Xubnaha la af-duubtay ayaa ahaa seddex xubnood oo ka tirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana la afduubtay xili ay kasoo baxeen xafiiskooda oo ku yaala Huteel Peace ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhriso warka guddiga screenshot_2016-12-03-20-31-39