27 November 2016 WAR SAXAAFADEED
Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la
socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku
hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah
doorashooyinka ka socda dalka.
GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso
dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas
go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu
bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa
fursad uu isku difaaco.
Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay
Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka
gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo
kaliya.
Cabdirazaaq Barre Jaamac
Guddoomiyaha, GMXKHDD