Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

645

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda  Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo garoonka diyaaradaha Aadan Cade si weyn loogu soo dhaweeyey

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.