Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kasoo horjeestay kala dirista Guddiga Maaliyadda

108

Xilli Gudoomiye Ku xigeenada golaha Shacabka ay kala direen Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu sheegay in kala dirida Guddiga Maaliyadda, aysan waafaqsaneyn Xeer hoosaadka.

Lataliyaha ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay u taallo arinta kala diradda laakiin aysan meelna xeerhoosaadka ugu qoreyn in kala diro Guddiga ,Maadaama uu golaha Shacabka uu wakiishay.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ilaalin doono Sharciga iyo xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”ayuu yiri La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeeda kala dirida Guddiga Maaliyadda, isagoo laga soo xigtay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu kala tashan tallaabadaas.

Waxaa Muuqata Xiisad cusub in ay ka dhex bilaaban doono Gudoonka Golaha Shacabka oo arintaasi si weyn ugu kala qeybsan.