Guddoomiye Jawaari oo magacaabay Guddi ku matali doona wadahadalada baarlamaanka

256

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa  maanta magacaabay xubno ka kooban Guddi xildhibaano ah kuwaas oo ka qayb gali doona wadahadalo lagu dhameeynayo khilaafka  ka dhex aloosan Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada uu mgacabaay Guddoomiye Jawaari  ayaa ka mid ah garabka ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha.

Liiska xubnaha xildhibaannada ee uu magacaabay Guuddoomiye Jawaari:

  1. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble
  2. Xildhibaan Xasn Yare
  3. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene
  4. Xildhibaan Sacdiya
  5. Xildhibaan Fowziya Maxamed Sheekh
  6. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

 

Guddigaan xildhibannada ka kooban  ayaa la kulmi doona Guddi kale oo xildhibaano ah kuwaas oo ka socda dhanka xildhibaannada wada mooshinka.

Labadaan guddi ayaa isku dayi doona sidii xal loogu heli khilaafka ragaadiyay golaha shacabka.Dhinaca kale guddiga ka socda gudoomiyaha ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaataan madaxweynahe Farmaajo si xal waara looga gaaro khilaafka baarlamaanka.