Thursday, October 22, 2020
Home Wararka Maanta Guddoomiye Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

Guddoomiye Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

155
    
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari (Biddix) Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe (Middig) Tallaado KISMAAYO, Soomaaliya/07/11/2017

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Wafdigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu soo waramayaa in  si weyn loogu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan  labada gole ee maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah uu la yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe.

Ujeedad socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari  ayaa la sheegay inay la  xiriirto  sidii uu uga qayb gali lahaa  furitaanka kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka Jubbaland oo la filayo inuu maalmaha soo aadan ka furmo magaalada Kismaayo.

Inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa lagu wadaa inay   kulamo la yeeshaan madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada rayidka.