Guddoomiye Jawaari oo Muqdisho kusoo laabtay iyo Mooshin berri loo balansan yahay

307

Prof.Maxamed-Sheekh-Cismaan-JawaariGudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho labo cisho ah oo uu ku tagey dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha iyo xubnaha wehliyay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana soo dhoweeyay ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Jawaari oo jimcihii ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shalay kaga qeyb galay Jabuuti Munaasabad lagu furayay Xarun cusub oo uu yeesho Baarlamaanka dalka Jabuuti, iyadoo munaasabadaas ay ka qeyb galeen madax fara badan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa muujiyay beri in Baarlamaanka loo qeybinayo mooshin-kii ka dhanka ahaa Ra’iisal wasaaraha waxa uuna markale uga digay Xildhibaanada fowdada iyo buuqa wada inay maalinta berri carqaladeeyaan kulanka Baarlamaanka.xaq1pdf

Magaalda Muqdisho ayaa maanta wax aka socdo is xulafeysi ay kala hoggaaminayaan Xildhibaanada labada garab u kala qeybsamay kuwaas oo shirar gaar gaar ah ku lahaa Hotello ku yaal magaalada Muqdisho