Jawaari: waa muhim dhismaha koofur galbeed

179

Shirka-BaydhaboWararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’ uu si rasmi ah u furay shir weynaha dib u heshiisiinta gobollada koofur galbeed waxaana ka qeybgalaya masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, wasiiro, xildhibaano, odayaal iyo ururo metelaya bulshada rayidka ee gobolladaasi.

Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa ugu horreyn ka codsaday ergada kasoo qeybgashay shirkaasi in marka hore ay dhammaantood is cafiyaan iskuna raacaan aragti guud iyo heshiis lagu hirgelinayo dawlad gobolleedka koofur galbeed si buu yiri ay ula mid noqdaan maammullada kale ee Soomaaliya.

Jawaari ayaa sidoo kale ku amaanay reer Baydhabo martiggelinta madashaasi socon doonta 45-ka maalmood, isaga oo shacabkana weydiistay inay taageeraan natiijooyinka kasoo baxa shirkaasi.

Dhinaca kale, Cabdiweli Sheekh Axmed oo isna khudbad dheer ka jeediyey halkaasi ayaa uga mahad celiyey afhayeenka golaha shacabka iyo siyaasiyiinta kale ee ku sugan Baydhabo dadaalka ay geliyeen qabsoomidda shirka wuxuuna ballanqaaday in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto gacan siinta dhismaha maammulka Baay, Bakool iyo Sh/hoose.

Shirkaasi ayaa kusoo beegmaya, xilli heshiis lagu dhisayo dawlad gobolleedka koofur galbeed bishii Juun lagu gaadhay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.