Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka oo shaqada ka joojiyay xoghaaya baarlamaanka

496

Sida ku cad warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudeey oo ku taariikheysan 2da April, waxaa shaqada si kumeel gaar ah looga joojiyay xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Buux.Sidoo kale waxaa si ku meel gaar ah shaqadiisa usii wadi doona ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Ciyoow oo ah kuxigeenka koowaad ee xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sababta xilka looga qaaday xogahaya guud ayaa lagu sheegay ku lug lahaansho siyaasadeed iyo isaga oo si khaldan u isticmaalay awoodda uu qeexayo  qodobka 11 aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.

Warka qoraalka waxaa lagu wargaliyay  hey’adaha ay quseeyso oo kala ah  xafiiska ra’iisalwasaaraha, hanti dhawrka, shaqaalaha rayidka, bangiga dhexe, wasaaradaha maaliyadda iyo shaqada iyo shaqaalaha .

Ma jiro war kasoo baxay guddoomiyaha koowaad, iyo waliba xoghayihii xilka laga qaaday oo ku saabsan xilka qaadista xogahaya guud ee baarlamaanka.Waxaana wali muqanaya in aan xal laga gaarin murankii ka dhaxeeyay baarlamaanka Soomaaliya.