Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo xilka wareejiyay

236

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha la doortay ee baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Xaflad xil wareejin ahayd oo ka dhacday xaruunta golaha shacabka oo ay aksoo qayb galeen xildhibaanada baarlamaanka ayuu guddoomiyaha xilka ka tagaya, ku wareejiyay xilkii uu u hayay golaha shacbaka oo uu qabtay sanadkii 2012ka.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu talo weydiisan doono guddoomiyihii hore oo uu tilmaayay in soo shaqeeyay xilli aad u adag.Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu isku keeni doono xildhibaanada baarlamaanka.

Baarlamaanka soomaaliya ayaa maalintii isniinta guddoomiye cusub ee golaha shacabka u doortay Maxamed Mursal Sheekh.Maxamed Mursal ayaa noqonaya guddoomiyihii tobonaad ee golaha shacabka.

Guddoomiye Jawaari oo muddo xilka soo hayay ayaa xilka iska casilay bishii Abriil markii uu aad u daba dheeraaday muranka u dhaxeeyay baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub waxa uu ahaa intii uusan iska casilin wasiirka gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu horay usoo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.