Guddoonka baarlamaanka oo ku dhawaaqay guddi loo saaray arinta Qalbi dhagax

171

Prof.Maxamed-Sheekh-Cismaan-Jawaari

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay magacyada guddiga loo xilsaaray go’aankii xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa arinta C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaano ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaariyaan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.

Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda.

Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu qabsoomo 21-ka bishan September.