Guddiga Doorashada Dadban oo sheegay in la dhaafay waqtigii la soo gudbin lahaa liiska ergada

179

War Saxaafadeed

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) ee 2016 ka waxaa uu shaaca ka qadaayaa in ay shalay 10ka bisha Oktoobar ahayd maalintii loo muddeeyey in 135 ta madax dhaqameed ay soo gudbiyaan magacyada ergadii dooran lahayd 275ta Golaha Shacabka ka dib markii ay la tashadaan nabadoonnada jufooyinkooda.
Waxaa GFHDD idinla wadaagayaa in ergada oo ay tiradeeda guud tahay 14,025 xubnood in illaa iyo hadda la soo gudbiyey magacyada 6,528 ergo. Sidaas darteed waxaa guddigu u hambalyeeynayaa Madax dhaqameedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo soo gudbiyey liiska ergeda muddadii loo qabtay, wax yar mooyaane.
Guddigu waxaa kale uu ugu baaqayaa dhammaan odayaasha aan weli soo gudbin liiska ergada dhimmaan in ay ku soo gudbiyaan laba maalmood gudahood.
Waxaa guddiga doorashadu hoosta ka xariiqayaa in kursi kasta oo ergadii dooran lahayd diyaar tahay in ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya kuraastaas waqtigii loogu tala galay oo ku beegan 12 ka Oktoobar waxayna soconaysaa is diiwaangelinta illaa iyo 22 ka Oktoobar 2016 ka.