Gudiga Doorashada Dadban oo baaq u diray Somaliland

176

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadbn ee Heer Federaal Cumar Max’ed Cabdulle ayaa Maamulka Somalilad ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xubnaha maamulkaasi ku matalaya Aqalka Sare.

Cumar oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada  Muqdisho ayaa sheegay in Maamullada Hirshabeelle iyo Somaliland ay ku dhimanyihiin xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matalaya iyaga,loogana baahan yahay in ay si dhaqsi leh u soo dhameystiraan.

Doorashada xubanaha qalka sare ee Maamullada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayuu ku sheegay in ay waqtiyo kala duwan dhacday taasna ay sabab u tahay  kala duwanaanshiha degaannada iyo doorashada sanadkan.