Gudiga Maamul U Samaynta Goballada Dhexe oo Doortay Gudoomiye

232

Muqdisho: Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa goor dhaw loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee Maamul U Samaynta Gobollada Dhexe ee Mudug iyo Galguduud, waxayna cod qura kaga adkaatay Cabdinuur Macalin Maxamed Isaaq oo booskaa kula tartamayay.

Gudigan oo ka kooban 29 xubnood oo laga soo xulay dhamaan beelaha dega Goballada Dhexe ayaa waxaa magacawday Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay u dardargaliyaan dhismaha maamul kumeel gaar ah oo ay gobolladaas yeeshaan.

Saddex musharrax ayaa isu soo taagay oo ay laba kamid ah dumar yihiin inay xilkan qabtaan. Waxaa wareegii labaad igu soo haray Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Cabdinuur Macalim Maxamed iyaga oo kala helay 15 iyo 14 cod sida ay u kala horreeyaan. Waxaa sidoo kale loo doortay Gudoomiye Ku Xigeen Maxamed Xaashi Cabdi, Afhayeenka waxaa loo doortay Cumar Cali Rooble, halka Xoghaye loo magacaabay Axmed Dubad Cali.

Hoolka shirarka ee Hotel Maka Almukarama oo ahayd goobta codaynta ka socotay ayaa laga dareemayay xusul duubka dhinacyada doonayay inay ku guuleystaan doorashada, waxaana halkaa isugu yimid Xildhibaano, Oday Dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Musharixiinta maamulka lasoo dhisi doona kuwaas oo mid walba uu doonaayay in musharraxooda guuleysto.

Doorashadan ayaa bilow u ah hannaanka la doonaayo in Maamul loogu dhiso Mudug iyo Galgduud taas oo qayb ka ah dadaalka ay waddo Dawladda Xasan Sheekh oo intii ay xafiiska joogtay ilaa iyo hadda laba Maamul Goboleed oo kaliya ku guulaysatay dhisidooda.

Gudigan Farsamo ayaa looga fadhiyaa soo xulista ergooyinka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta, taaba galinta gudiga gacanta ku haya qorista Dastuurka iyo sidii loo soo xuli lahaa Barlamaan uu yeesho Maamulka la doonaayo in la yagleeyo.

Xaliimo Yareey ayaa hore qayb libaax ka soo qaadatay dhisidii Dawlada Federaalka ah iyada oo xubin ka ahayd gudigii xulista Barlamaanka Federaalka ah ee maanta shaqeeya. Dadka isha ku haya maamul u samaynta labadan Gobol ayaa qaar kamid ah waxay qabaan in Xaliimo Ismaaciil ay tahay qof kasoo dhalaali kara xilka maanta loo doortay.