Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle oo la doortay.

247

Wararka aynu ka helayno  Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi  lagu doortay Gudoomiyaha  Baarlamaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo mudo sanad ka badan gogashiisa ay taalay magaaladaasi.

Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay Abuukar Xasan Maqani iyo Sheekh Cusmaan Barre, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Sheekh Cusmaan Barre oo la sheegay inuu helay codad gaaraya  61 cod, halka musharaxa ay tartamayeena  Abuukar Xasan Maqani uu isaguna  helay 26 cod.

Doorashadan gudoomiyaha maamulkasi ayaa waxaa ay imaanaysaa ayadoo wali siyaasiyiin iyo odayaal ku sugan Magaalada Baledwayne ay ka biyo diidsan yihiin qaabka ay wax u socdaan.

Dhowaan magaalada Baledwayne waxaa la sheegay in looga dhawaaqi doono maamul la sheegay in loogu magac-dari doono Hiiraan State.