Afhayeenka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Barlamaanka oo Kampala Shir Uga Furmay

229

Muqdisho (XT): Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya.

Kulan howleedkan oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa munaasabadda furitaanka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisa Labaad,Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Awepa oo kulan howleedkan fududeeyneysa.

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey 5tii Kalfadhi ee Golaha Shacabka horey u yeeshay waxyaabihii qabsoomay iyo Kalfadhiga 6aad ee soosocda waxyaabaha la doonayo in muhiimad la siiyo isagoo dhanka kalena xusay in Guddiyada looga baahan yahay iney xuquuq u dejiyaan mas’uuliyiintii horey xilalka uga degay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddiisa furitaanka ka jeediyey kulankan  ayaa xusay in xubnaha guddiga Joogtada ah ay tahay iney sameeyaan ka baaraan degid laxiriirta qorshayaasha hor u tebinta leh Kalfadhiga soo socda ee 6aad waxa uu si gaar ah u tilmaamay hirgelinta guddiyada madaxa bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016 kuwaasi oo shuruucdooda Baarlamaanku horey u ansixiyey.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo aqoon is weeydaarsi ah oo  magaalada Kampala uga soconaya guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka taasi oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda bishii August sanadkii 2013