Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe oo la magacaabay

381

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle ayaa maanta magacaabay gudoomiyaha cusub ee maamulkaasi.

Waxaa gudoomiyaha cusub loo magacaabay Axmed Mayre Makaraan oo ahaa kusimihii gudoomiyaha gobalkaasi

Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar Madaxweyne Cosoble oo muddo labo bilood ah ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshbeelle.

Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Sh/dhexe waxana uu xilka guddoomiye ku xigeenka qabtay kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen loo doortay  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle. Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kahor inta aan loo magacaabin guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyne Cosoble, ayaan weli ku dhowaaqin golihii wasiirada iyadoo dhamaadkii bishii October loo caleemo saaray Madaxtinimada Maamul goboleedka Hirshabeelle.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in uu si deg-deg ah ugu dhowaaqi doono golihiisa wasiirada.

Warar ku dhowdhow Madaxtoyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in golaha wasiirada ee xukuumada Hirshabeelle ay u badnaan doonaan xildhibaanada Hirshabeelle kuwaasoo oggolaaday in dib loo dhigo muddo labo jeer ah magacaabista golaha wasiirada.