Gudoomiye ku xigeenka guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo is casilay

217

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa iska casilay, kaddib qoraal uu u gudbiyay Guddoonka guddigaa

Is casilaada Mr Fartaag ayaa ka dambeysay, kaddib markii qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ay ku eedeeyeen inuu u ololeynayo Musharax gaar ah.

Xubin ka tirsan Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay is casilaada Mr Fartaag, taasoo uu ku tilmaamay mid uu jawaab uga dhigay cabashadii Musharaxiinta, si aan Guddiga doorashada Madaxweynaha looga shakin shaqadooda iyo hufnaantooda.

Xildhibaan Fartaag ayaa sheegay in hadii sidaas ay codod ku helayaan Musharaxiinta uu haatan is casilay, wixii hada dambeeya aan meelaha laga xagan.

Fartaag ayaa labo cisho ka hor munaasabad ka dhacday Hotelka SYL ka sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay taageersan yihiin in dib loo soo doorto, bedelkii nin cusub oo shaqada ku qaadaneyso lix bilood illaa sanad la soo dooran lahaa.

Musharaxiinta qaar ayaa muddooyinkan dhaliilo is daba joog ah u jeedinayay Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh, waxaana qeyla dhaanta Musharaxiinta ay noqotay mid is-daba taal, iyadoo aan la gaaran maalintii doorashada dhici laheyd