Gudoomiye ku xigeenki hore ee degmada Xamar Jajab oo u geeriyooday dhaawac Qarax

240

Allaha u naxariiste waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, gudoomiye ku xigeenki hore ee degmada Xamar Jajab Farah Dahir Jimcaale, kaa oo ku dhaawacmay Qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray.

Qaraxa ayaa ahaa miino loogu xiray gaariga uu waday, kadib mudo yar uu gaariga waday ayaa gaarigi qarxay xili uu marayay Via Roma ee degmada Xamar weyne.

Farah Dahir Jimcaale, ayaa noqonaayo masuulkii labad oo katirsan maamulki hore ee Gobolka Banaadir kaa oo lagu dilo Qarax miino ee gaariga loogu xiro, iyada oo xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Abdikaafi Hilowle sidoo kale uu u geeriyooday Qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa.

Geerida Gudoomiye ku xigeenki hore ee degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Xamar weyne Cabdulkhadir mohamed cabdulqaadir isaga oo intaa ku daray in qaraxa loogu soo xiray meel kale balsa uu gaarigu qarxay xili uu maraayay Via Roma ee degmada Xamarweyne.

Ururka Al-shabab ayaa horay ugu hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan  dhamaan masuuliyiinti hore ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxay hore u sheegteen dilkii hoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdi kaafi hilowle kaa uu dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa agagaarka isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho.

Www.xaqiiqa.com