Gudoomiyihii Hore Gobolka Banaadir ayaa ugu yeeray Dowladda in ay furto Wadooyinka.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay xaaladaha amaan ee caasiamdda Muqdisho,ayaa sheegay in ay muhiimtahay in hay’adaha amaanka ay si kale u fiiriyaan xaqiijinta amaanka Muqdisho oo aan laxiran wadooyinka Dadka iyo ganacsiga muhiimka u ah,

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xirnaanshaha wadooyina aysan keenayn amaan balse ay keenayso in Dadku ku dhibtoodaan.Yatsan ayaa sheegay in Hoteelada.hay’adaha iyo goobaha sida gaarka loo leeyahay ay dhamaantood hadda xiranayaan wadooyinka taasi oo ka dhigan caqabd ay Dadku qabaan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in ay jireen caqabado badan oo horay u arki jiray haddana aysan ka ogolaanjirin in laxirto waddooyinka inta suura galka ah.

Magaalada Mqudisho, ayaa meelaha qaar waxaad ku arkaysaa wadooyin u xiran ciidamo iyo hoteelada magaalada ku yaala kuwaasi oo ku doodaya xaqiijinta amaankooda taasi oo keenta in Dadku isticmaalaan wadooyin qarda jeex ah.