Guuleed oo loo doortay madaxweynaha Galmudug

562

Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa lagu doortay Cabdikariim Xuseen Guuleed inuu noqdo madaxweynaha maamulka Galmudug ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo helay 49 cod wuxuu ka guuleystay Axmed Macallin Fiqi oo wareeggii ugu dambeeyay ay ku tartameen, wuxuu isaguna helay 40 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada baarlamaanka ee maamulka Galmudug ayaa codeynayay.

Doorashada waxaa ku tartamay lix murashax oo kala ah; Axmed Cabdisalaan Aadan, Axmed Macallin Fiqi, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Maxamed Cilmi Afrax iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku sugan madasha, waxayna u kuurgalayeen sida ay doorashada u dhaceysay.

Isla maanta waxaa lagu wadaa in madasha lagu doorto madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug oo ay dhowr murashax u taagan yihiin.

Madaxweyne Cabdikariim oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana hor yaalla howlo badan, maadaama uu hoggaaminayo maamulkii ugu horreeyay oo loo dhan yahay oo gobollada Mudug iyo Galgaduud ay yeeshaan.

Cabdiraxmaan Taysiir

XT, Nairobi – Kenya