Guusha C/qaadir Cosoble oo looga dabaal-degay Moqdisho

291

Cabdulqaadir Cosoble Cali, oo ka mid ahaa xildhibaanadii barlamaankii hore ayaa tartan adag oo u galay kursiga xildhibaanimada ku guuleystey.

Guusha cabdulqaadir ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay magaalda Mugadisho oo aan wax doorasho ah laga dareemin laakiin, xalay markii la shaaciyey in uu guuleystay ayaa laga dabaal degey dhowr Hotel oo ku yaal magaalada Mugadishu.

Hotel Makka Mukkarama ayaa ayaa waxaa xalay oo dhan casho bilaasha laga cunayey, iyadoo sidoo kalana labo hoteel oo kalana xaflad casho oo bilaasha ay ka jirtey oo lagu soo dhaweynayo guusha cabdulqaadir Cosoble.

Waa markii ugu horeysey oo Xamar laga dareemo doorashada dalka ka socota.

Mudane Cosoble ayaa ka mid ahaa 4tii musharrax ee ugu codadka badnaa tartankii doorashadii madaxtinimada 2012 ka. welina lama oga in uu u istaagi doono doorashada madaxweyne ee sanadkaan 2016 ka.