Ha is jafto, ha is ruugto natiijadu maxay noqon doontaa?

269

Ma aha wax nagu cusub beelo dagaalamay, weligeedba way jirtay, waxaana u badnaa geeloo la kala dhaco ama beeraha baxay oo miraha dhalay oo lagu sii daayo xoolo, waxaas oo dhan waxaa ka dhalan jiray dagaallo u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, hase ahaatee waa la kala dhexgeli jiray, waana la heshiisiin jiray.

Sida loo joogo ayay dacartoodii kacdaa, kaddibna hadba labadii jaar ah ayaa jidka isku jiid jiida oo is qooma, taasi waxay sababtaa in ay gaarto heer beel. Waxaa laga dhigtay dagaallada soo laab laabta ee Soomaaliya kuwo la isugu faano iyadoo hadda xitaa lagu tiro badsado qabuuraha.

Kagleeye waa nin hadal badan wuxuuna inta badan ka faallooda, waxyaabaha ka dhaca gudaha dalka, wuu ka hadlay, markii uu maqlay dagaalkii ka qarxay Guriceel. Wuxuu yiri:

“Dagaallada hala joojiyo, dadka is dilaaya ha garteen waxay isku dilayaan, warka ha la soo gaabiyo dalka wuxuu u baahan yahay waxqabad dhab ah, hiilladu halkaas ayay jirtaa, laakiin in la is dilo waxay u muuqataa arrin laga dambeeyo oo la doonayo in la isku yareeyo oo la oofsado wixii la oofsan lahaa, iyadoo aysan meesha ka marneyn dabin la isku dhigaayo, tiiyoo la siyaasadeeyay si loo helo danta gaarka ah ee laga leeyahay.

Wuxuu yiri: “waxaan la yaabbanahay waxa hadda dadka isku diraaya, anigu waan ogahay, laakiin ma sheegayo, haddii aan sheegi lahaana, waa madaxweyne xaafadeed ka yimid Federaalka, taas ayay u muuqataa marka labada qolo keebaa noqon lahaa madaxweyne xaafadeedka? Waxay ila tahay in la heshiisiiyo wax weyn ma aha inkastoo maalmo gudahood ay dacartoodii ku soo kecayso, kolkaasoo la sii xoojinaayo colaaddii.”

Arrintaan horay ayay uga dhacday degmooyin badan, haba ugu darnaadee Gobolka Hiiraan, waa la ogyahay in wixii hore ay maanta beddeleen waxa cusub ee casriga ah, Federaal ayaa foodda la soo baxay maxaad u malayn lahaydeen nimanyahoow is dilaaya haddii gobolkiinna laga soo saari lahaa ceelal shidaal ah iyo macdan ma waxay kula tahay in la kala badbaadi lahaa?, saa darteed, ummaddu waa ummaddaasi oo weligeed is jafi jirtay, waxaan la yaabay miyeysan dadku lahayn dad carrab macaan oo ay dhegeystaan? Waa yaab haddii uu jiri lahaa wax kale ayayba ahaan lahayd, laakiin waxaa cad in aanu jirin, taas waaye waxa soo dedejiya dagaallada sokeeye, inkastoo ay jiraan marar yar oo la sameeyo dib-u-heshiisiin kumeel gaar ah, iyadoo wixii dhaliyay colaadaha inta la uruuriyo lagu raro jiirka dushiisa, haddana waxaa dhacda in dib-u-heshiisiintii ay dhasho sheeko kale oo adag.

Colaadda waa la demin karaa, waana la sii wadi karaa, ummadda waa la heshiisiin karaa, inkastoo inta badan la jebiyo, taas ayaa muujinaysa in waxoo dhan ay yihiin dhabar salaaxid, caqli iyo xikmad ayaa meesha ka maqan, inkastoo aad tihiin dad u samir badan dagaallada haddana waxaa halkaas nooga muuqata in aysan ka jirin is gacmo gelis dhab ah iyo isu niyadsami, waxaa kaloo ka maqan in la maalo garashada, qaloocana la toosiyo, hase ahaatee maxaa toosaya waa tan toosin kaddib qaloocatee? Iyadoo ay qolo walba u guur guuranayso in ay qolada kale dhulka ku darto, laakiin muhiimaddu waxay tahay in dowladdu ay arrimahaas si adag uga hor tagto, dadkana heshiisiiso, haddii kale naceybka iyo uur-xumadu way sii xoogaysanayaan, markaas oo imaan doonta in itaal darradeenna ay sii badato, taas darteedna waxaa qarka loo saarnaan doonaa in sida shimbiraha ay hilbaha u dafaan in la idiin daf dafi doono, warkaasi waa cadyahay.

Colaadaha waa inay dowladda u saarto guddi dib-u-heshiisiin oo joogto ah oo had iyo jeer kormeerro ku kala bixinaya gobollada looga cabsi qabo in xurgufaha ay ka dhacaan, dagaallada dhuumaalaysiga ah oo u muuqda dhoolla-tus in gabi ahaanba meesha laga saaro, inta badan waxaa wax ku dheela dhallinyarada, haddii la jiheyn lahaa ama haddii loo abuuri lahaa shaqooyin badan ama maahee loo furi lahaa dugsiyo waxbarasho iyo kuwo farsamo waxaas oo dhanba ma dhaceen, waayo dal haddii la doonayo in la ogaado xaaladdiisa waxaa la eegaa dhallinyaradiisa. Sheekadu waxay ku soconaysaa reer hebel iyo reer hebel, waxayna keentaa xitaa labo wiil oo ku saaxiibay waxbarashada in ay waalidiintood ku canaantaan mid kasta in uu ka haro kan kale, waayo waxaa loo muujiyay in uu cadawgiisa yahay.

Taas micneheedu waxay tahay in reer hebel uu dalkaani la degaayo, eeg eeg baarlamaankii ayaa beel ah, ku dar wasiirrada waa la mid oo waxaa lagu soo xulaa reer hebel, xagguu ka imaanayaa isbeddelka? Waa dhibaato laga jees jeesanayo oo aan marna la doonayn in xal kama dambeys ah laga gaaro.

Soomaaliya xagga hore kuma aysan cimra qaadan, saacadda la joogana kama faa’ideysan, waayo waxaa hoggaaminaya reer hebel, maxaa diidaya in qalloocu uu sii dhalo qalloocyo badan, markaasna ugu dambeystii dowlad kastoo dhalata ay noqon doonto mid nusqaan ah, sidee haddaba u garab istaagi kartaa dowlad adag oo dalkeeda iyo dadkeeda horumar gaarsiisa shacabkeedana dhex dhigta walaaltinnimo aan duugoobeynin, iyadoo wax walba la isla taban taabinaayo? goormaan gaari doonnaa waxa aan rabno in aan gaarno? Ma federaalka hirgelintiisa kaddib? mise hiigsiga riyada ah gaaristiisa? Mise waxaan ku  haraynaa in aan is jafno si waan yarnahee aan u sii yaraanno, kaddibna nagala faa’ideyso. Waa yaab!

W.Q: Ciise Faarax