Hababka Loola Dagaallo Musuqmaasuqa Maamuleed

ShidaneMusuqmaasuqa maamul iyo kan lacageed waa dhaqan daashaday fagaaraha siyaasadda iyo nolasha bulshada Soomaaliyeed, ilaa uu ka mid noqday tiir kamid ah tiirrarka nolasheenna. Musuqu waxa uu jilbaha dhulka u digay hannaankii dawladnimo ee aan ku taamaynay in mudda ah. Wuxuu wiiqay waaxyihii nolasha siyaasadeed iyo midda maamul. Maanta dal iyo dadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno gabbal dhacay iyo waa kasta oo barya. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed. Haddaba waxaan is ku dayayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal Cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socda, waa haddii ey naga go’antahay in aan cirib tirno musuqa, xididdadana u siibo, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.

1- Is-xisaabin

Dhammaan shakhsiyaadka xilalka sare ka haya dawladda ama xukuumadda waa in la hoos geeyaa weydiin qanuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta wax-qabkooda shaqo. Micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil, ku xigeenno, iyo dhammaan qof kasta oo soo xil qaran haya.

2- Is- weydiin Joogta Ah.

In maamulayaasha hay’addaha dawladda ey weydiiyaan shaqaalaha guud sida ey hawsha u wadaan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda. Isla maamulayaashaas waa in ey jirtaa cid isha ku haysa oo ey ka cabsanayaan sida guddiyo daba-gala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kaas oo ka imaan kara golaha sharci dajinta ama golaha sharci fulinta, si loo helo wax is weydiin fool ka fool ah dhinac waliba, meeshana uga baxdo danaha shaqsiga ah ee xafiis kasta uu la ciirciirayo.

3- Hufnaan

Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ey u dan leedahay, tillaabooyinka ay qaadeyso iyo yoolka ay u xusul duubayso. Haddii aan si kale u dhigno in ay run ka sheegto wax kasta oo ay qabaneyso, baahiso qaladkeeda oo ay qirato, maamul wanaagna muujiso, niyad wanaagsan ay tusto bulshada, waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo. In ay meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha ay u dhexeeyaan dullaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dila, shacabkana qalin shubateeya.

4- Baraarug Bulsho

Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loona kobciyo garaadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu. Arrintaasi waxa ay laf dhabar u tahay qodobada aan kor ku soo xusnay, waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaadiniinta ee burburtay, waxa ay horseedi kartaa in uu soo af-jarmo musuqa iyo sed-bursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ay ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’adaha xukuumadda ama kuwa kale, ee aan dawliga ahayn, balse ey kala dhaxayso wada shaqayn toos ah dawladda.

5- Nidaam Dimuqoraadiya

Si ay u taabba-galaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay waxaa muhiim ah in la helo nidaam dimuqoraadiya, kaas oo kala saaraya awooddaha isku dhex milqan, sida sharci dejinta, fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq oo si toos ah loola tiigsado gar-soorka. In qofkii ey ku caddaato arrinkaas shaqada laga eryo. In uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah, waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.

6– Hirgelinta Xeerarka iyo Sharciyada

Waan in la dardar-geliyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo sharci caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya Xukuumadda ama dawladda la ogyahay hantidiisa kahor intuusan xil qaran qaban. In sanad kasta waxa soo gala la shaaciyo. In waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda. In la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in looga faa’iidaysto awoodda maamul si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxa ay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo garsoorka sare, lagana daayo fara-gelinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.

7- Anshax Guud

Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga horjooggayaasha diinta, sida in khudbaddaha Jumcaha lagu soo bandhigo todobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaallamayo musuqmaasuqa.

8– Warbaahin Xor Ah

Si loo helo war-bixinnada rasmiga ah iyo daba-gallo qoto dheer oo la xariira musuqmaasuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka, waa in ey sharciyeysantahay saxafaddu misana heysato ilaalin qaanuuniya oo ka difaacaysa handadaadda iyo caga-juglaynta inta ey ku guda jirto shaqadooda. Taasi waxay u gogal xaaraysaa in la helo xog buuxda oo ku saabsan qaabka wax u dhacayaan.

Gunaanad

Waxa aan filaa in haddii aan qodobadaas xil is ka saarno in wax uun is baddalayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabbo in ey qaarkeen dhag jalaq u siinayn hadda, balse waxaa imaan doonta maalin aan ka shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane