Habka Doorasho Uga Dhici Karto Soomaaliya 2016 oo La Soo Bandhigay

 

Baarlamaanka-Soomaaliya

Muqdisho (XT)- Madasha Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliya oo ah Golle ay ku midaydsan yihiin Siyaasiyiin,Xildhibaanno iyo aqoonyahano siyaasada Soomaaliya ku xeeldheer ayaa soo bandhigtay qorshe loogu magacdaray Nidaamka Saami Siman oo ah nidaamka xisbiyadda badan oo suurtagalinaya in doorashooyinka xisbiyo ku tartamaan ay dalka ka dhacaan marka lagaaro 2016-ka oo ah xilliga loo asteeyay in laqabto doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xoghayaha Madasha iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cali (Xareed )oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa sheegay inay soo bandhigeen hab ka duwan kan federaalka ah ee doorashooyin xor ah uga dhici karaan Soomaaliya.

Mr. Xareed ayaa sheegay in habka nimdaamka xisbiyada badan ama  loo yaqaano Saami Siman hadii laga hirgaliyo Soomaaliya doorashooyin caddaalad ah oo xalal ah ka dhici karaan.

Waxa uu sheegay  Nidaamkaan ay kala tashteen dad Khubaro ah oo ku xeel dheer  habka Saami Siman oo ah nidaam lagu ogaado sida doorasho uga dhici karto waddamada Soomaaliya oo kala ah. Cali Xareed ayaa intaasi ku daray in nidaamkan uu sahlayo in guud ahaan waddanka doorashooyin ku dhisan hab cadaalad ah ay ka qabsoomi karaan hadii loo maro nidaamkan Saami Siman (proportional representation).

Soomaaliya ayaa la filaa in doorashooyinka madaxtinmo ay ka dhacaan marka lagaaro 2016 oo ah xiliga loo asteeyeyy inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in waqtiga loo asteeyay doorashooyinka aysan ku dhici karin.