HALGANKII QORISTA AF SOOMALAIGA

724

  HALGANKII

Marka hore waxaan ku bugaadinaya maamulka Xaqiiqa times, muuqaalka aad ka u wanaagsan ee wargeyska ay soo saareen.

  Marka labaadna waxaan isagana bogaadinaya qoraaga maqaalka, “ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga” mudane Cabdiraxmaan Taysiir oo ku soo baxay caddadka koowaad,      bogga shanaad ee wargeyska Xaqiiqa Times, gaar ahaan dooda uu furay ee arintan awgeed.

  Haddaba, aniga oo tix raacaya qoraalka qoraaga waxa aan jeclahay in aan wax yar  ka iraado sababaha ehelka u ah dhibaatooyinka qoraagu tilmaamay. Ugu horeyn aan dib u jeleecno    taariikhda qorista Af-soomaaliga.

 Mudda dheer xornimadda ka hor dhowr qof oo Soomaaliyeed baa isu xil saaray oo ku howlanaa cilmi baadhis qorista Af-Soomaaliga  ah.

 Kadib curashadii xornimadda cilmi baadhayaashi dadaal culus bay billaabeen in Af-soomaaliga la qoro, inkasta oo dhexdoona tartan ka jiray oo mid waliba jeclaa in tiisa la qaato.

Tartankaasi waxa uu sababay in xubnihii baarlamaankii uu qeybsameen sidii ay cilmi baarayaasha kala ahaayeen oo ay kala raaceen.

Sidaas awgeed dowladdii sagaalkii sano ee xukunkii madaniga ahaa (1960-1969) wax  go’aan ah wey ka gaadhi kari waayeen qorista Af-Soomaaliga.

Kaddib markii ciidamadii qalabka siday ay awooddii la wareegeen (Octobar 1969) waxa ay go’aamiyeen in ay qoraan Af-Soomaaliga. Muddo gaaban kaddibna waxa ay mid mid u dhageysteen cilmi baadhayaashi iyado ay xubnihii golihii sare ee kacaanku dhammaantood wada joogaan.

Markii la gaaray in golihii sare ee kacaanka (SRC loo yiqiin) uu go’aan qaato bay xubnihiisi u qeybsameen sidii xubnihii baarlamaankii u kala qeyb sanaan jireen oo kale.

Guddoomiyihii SRC, General Maxamad Siyaad Barre oo aad u necbaa kala qeybsanaanta  xubnaha SRC ee arrintta qorista Af-Soomaaliga waa uu hakiyay oo  meel buu iskaka xidhay. Waxa uu mar igu yiri qorista Af-Soomaaliga kollaba carabi bay noqon doonta oo Soomaalida buu yiri wax kale isku raaci mayso.

Hal sano kaddib, bilowgii bishii May 1991, wafti SRC baa u safray China oo u tegay la tashi mashruuci dhismihi wadada oo isku xidhay beledweyne iyo burco. Waftigii waxaa qaabilay Hoggaamiyihi China, Mao Zedong. Waxuu yiri, “ waxaan maqlay in aad Af-kii qori doontaan ee maxaad ku qoreysaan?”.

Su’aashaan waftigii SRC  way ka jawaabi kri waayeen. Markaas buu Hoggaamiye mao yiri, “ waxaad ku qortaanba ha ku dhicina qaladkii aannu annagu ku dhacnay. In ka badan labaatan (1 Octobar 1949-1972, bilowgii May) sano kaddib baannu hadda ka fiir sanayna in aannu far-tayada dib u qorno oo latin ku qorno si aannu ugu dhowaanno Teknooolojiga.”

Markii waftigii soo laabtay isla toddobaad gudihiis oo hay’adihii sare ee kacaanka u warrameen bay isla markiiba SRC go’aamisay in Af-Soomaaliga lagu qoro laatin. Wasiirkii waxbarashada, Cabdirasaaq Maxamad Abuukar oo SRC xubin ka ahaa baala weydiiyay in la diyaarin karo ku dhaqaaqista go’aan-kaas munaasibadda dabaal degga kacaan-ka 21-ki Octoobar 1971?

Cabdirazaaq waxa uu codsaday in la siiyo toddobaad si uu u soo daeso. Cabdirazaaq waxa uu ku soo war celiyay SRC-dii in aan laga gaadhsiin karayn shan bilood oo keliya gudahood oo manaa-hijtii iskuulada ee Af-Soomaaliga baan diyaar noqon kareyn.

Markaas kaddib, waxaa SRC go’aamisay in lagu dhawaaqo 21-ki Octoobar 1972 loona diyaar garoobo qorista Af-Soomaaliga.

Markii lagu dhawaaqay qorista AF-Soomaaliga SRC waxa ay go’aamisay in shaqaalaha dowladda oo dhammi, ciidamo iyo rayidba ay imtixaan qorida Af-Soomaaliga ka gudban saddex bilood gudahood. Kuwii gudbi waayana shaqada laga saaro.

Intaas markii laga soo gudbay waxaa la billaabay olole dadweynaha la barayo qorista  Af-Soomaaliga, miyi iyo magaalaba oo lagu beegay muddada fasaxa  iskuullada.

Hal sano iyo afar bilood markii Af-Soomaaliga la qoray kaddib, 14-tii febraayo 1974 Soomaaliya waxa ay xubin ka noqotay oo ku biiirtay Jaamacadda Carabta. iyado ay Soomaalidu noqotay kuwa keliya oo aan ku hadlin Af-Carabiga oo haddana ka mid noqday Ummadda Carbeed.

Sidaas awgeed Jaamcadda Carabta iyo dowladdaha xubinta ka ahiba waxa ay rabeen in dadka Soomaaliyeed dhammaantiis Af-Carabiga la baro ( Carabisation). dowladdi Soomaaliyeed way ka maagtay arrintaas oo waxaa laga baqay in qorista Af-Soomaaliga oo markaa cusbeyd ay horumar samayn kari weydo haddii barashada Carabiga laga dhinac furo.

Dowladdaha Carabta ma jecleysan mowqifka dowladdii Soomaaliyeed qaadatay oo waxa ay u arkeen in aannay Soomaalidu Carabnimo rabin oo ay daneysi kaliya ugu soo biireen Jaamacadda Carabta.

Walina arrintan dowladdaha Carabta badan kooda kama bogsan, waana sababta aanay u daneyn badankooda arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliyeed.

Hase yeeshe,  kaddib markii qorista Af-Soomaaligu qaan gaadhay waxaa lagu kordhiyay Jaamacaddii Soomaaliyeed kuliyadda daraasaadka Carbeed iyo saxaafadda,  waxaana kaloo Muqdisho laga furay xafiis ALESCO (UNESCO-CARBEED).

Waxay ahayd bilow wanaagsan, waxeyse raacday burburkii Soomaaliya oo dhan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate, go’aankii dowladii Soomaaliya qaadatay ee Carabeynta Af-Soomaaliga sax bay ahayd, waayo baarashada carabiga dadka Soomaaliyeed ma wada gaadhi kareen Soomaaliduna jahligii kama baxdeen.

Iyadoo in ka badan afartan sano lagu dhaqmayay qorista Af-Soomaaliga aadna loogu liibaanay, hadda weli waa qabyo. Qoraalka  Af-Soomaaliga ma leh muceyr (standard) lagu garan karo eray walba in eray walba la higaadiyo marka la qorayo ama la akhriyayo, boqolkiiba sideetan (80%), halkaas waqti dheer uga baahan qoraaga iyo aqristaha.

Sidaas oo kale qoraayaasha Af-Sooomaaliga kama faa’ideysan karaan kumbuyuutarka iyado lagu jiro da’da kombuyuutarka (the computer age).

Anigu shan buug baan Af-ingiriis ku qoray aniga oo welliba aamin san in aannan Af-ingiriiska aad u  aqoon, dan baana igu qasabtay dhibaatooyin Af-Soomaaliga hortaagan awgood.

Af-Soomaaliga afafka kele ee dunida ka jira buu la mid yahay oo waxaa ka  maqan oo keliya kaabayaashi farsamo oo loo baahan  yahay in loo abuuuro. Aniga iyo qoraa kasta oo Soomaaliyeed waxuu jeclaan lahaa in uu Af-kiisa haayo oo uu si buuxda u garanayo wax ku qorto haddii aanay jirin caqabadaha kor ku sheegan.

 Aqoonyanno Soomaali ah oo cilmi baadhis ku sameeya Af-Soomaaliga baa hadda ku howlan in  Af-Soomaaliga la casriyeeyo oo la kombuyuutarays gareeyo. Waa in loo kacaa oo wax lala qabtaa dad iyo dowladba.

Waxaa xusid mudan laba arrimood,  kow: haddii aanay ahayn xukunkii ciidamadii qalabka siday Af-Soomaaligu weligeed ma qoranteen, midda labaad, waxaa iyana xusid gaar ah mudan dadaalka oo sameeyay madaxweynaha Djibuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, si loo horumarin lahaa Af-Soomaaliga iyo dhankastaba.

Qore: Jaamac Maxamed Qaalib