Hanka Itoobiya Weli Waa Halkiisii!

690

Haddii waayo aan ku doodi jirnay lahaanshaha dhulalka Soomaaliyeed ee ay haystaan dowladaha Kenya iyo Itoobiya, hadda fogaanta dhuleed ee aan ka hadalnaa waa ay soo gaabatay, halkii aan u hanqal taagi jirnay dib u soo celinta dhulalkaas, hadda waxaan u xafiiltannaa waa maamul goboleedyo ka mid ah labadii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka sameysantay ka hor 55 sano.

Aragtideyda labo arrimood ayaa sabab u ah in aan maanta gobol gobol u yooyootanno iyadoo weliba ciidanka shisheeye ee haysta gobollo aan leennahayna uu ilaalo naga hayo.

Labadaas arrimood middood waa qabyaaladda oo heshay saad iyo sahay ‘federaal’ la yiraahdo oo hadda u sameysmaya hab qolol-qolada qiimo u yeelaya, oo qabiilba ku soo koobaya qaybta uu deggan yahay.

Arrinta labaad ayaa ah dadka siyaasadda ee maanta na hoggaamiya oo ah hoggaamiyeyaal aad u han yar oo ku qanacsan in ay maamulaan oo madaxweynayaal u noqdaan 3 ilaa 5 gobol oo ka tirsan 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda.

Maamullada dhismaya ee qorshuhu yahay in ay ka mid noqdaan Jamhuuriyadda 4-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah kan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee qaatay magaca ‘GALMUDUG.’

Maamulkaasi hadda waa uu dhismay qayb ahaan, balse qofka ku soo baxa hoggaanka maamulkaas waxa u taal shaqo guri, taas oo sida uu uga soo baxo ay ku xiran tahay guusha gobolladaas.

Si uu u hirgalo dhismaha maamulka gobolladaas waxa si nabad ilaalin ah u tegey gobolka ciidanka Itoobiya, iyadoo tegiddoodii degmada Cadaadana ay qaadatay muddo.

Haddii aad ogtahay ciidanka Itoobiya ee jooga Gobollada dhexe waxa uu si dadban u hor istaagay tegitaankii ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuu qorshuhu ahaa in ciidanka Jabuuti uu ku meleto gobolladaas howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii ciidanka Itoobiya uu ka biyo diiday in uu tago gobolka isagoo fulinaya codsiga xukuumadda Soomaaliya.

Itoobiya oo ilaashaneysa waxay u taqaan ‘Aagga danaha Itoobiya’ (Ethiopian interest zone) ayaa hadda si layaab leh ugu jowrfaleysa awoodda nabad-ilaalineed oo ku timid oggolaanshaha dowladda Soomaaliya iyo go’aanka Midowga Afrika ee caawinta dib u kabashada Soomaaliya.

Dhulka ay u taqaan Itoobiya ‘Aagga danaha Itoobiya’ waa gobollada xudduudka la leh dhulka Soomaali-galbeed oo ay ku jiraan Mudug, Galgaduud, Hiiran, Bay iyo Bakool.

Taariikhda marka aan dib u fiirinno meelo ka mid ah gobolladaas ayay Itoobiya isku dayday in ay qabsato oo ka lasho calankeeda muddo hadda laga joogo 31 sano.

Sida ku qoran buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu qoray Alle ha u naxariisto Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed sanaddii 1984-kii xilligii uu billowga ahaa qaran-jabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Itoobiya oo ka faa’iideysaneysa taageeradii ay siisay jabhaddii SSDF waxay calankeeda surtay degmooyinka Balanbal iyo Goldogob kaddib markii ciidankii XDS oo dagaal adag la galay SSDF uu taag-dareeyay taasina ay u fududeysay Itoobiya in ay fuliso qorshaha qaybi oo xukun oo uu mararka qaar xoog la socdo.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee Itoobiya ee xilligaas Gaashaanle Sare Goshe Walde waxa uu soo saaray beryahaas War-saxaafadeed lagu qoray af adag oo u muuqday jeesjees, kaas oo nuxurkiisu uu ahaa in Balanbal iyo Goldogob ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya, balse ay furan tahay in laga wadahadlo iyadoo wadahadalkaasina uu ku kooban yahay halka ay xadduuddu ka noqoneyso degmooyinkaas.

War-saxaafadeedkii Goshe Walde ee qaybta ka ahaa qorshaha dhul ballaarsiga ee Itoobiya qayb ahaan waa hirgalay oo Itoobiya waxay maanta qayb ka tahay awoodaha jaangooya habka ay u dhismeyso Soomaaliyada cusub.

Dhammaan gobollada xadka la leh dhulka Soomaali-galbeed ee ay haysato Itoobiya hadda waa meel ay Itoobiya isha ku hayso si ay uga dhabeyso dhambaalkii wasiirkeedii arrimaha dibadda ee 31 sano ka hor.

Tusaale Guriceel oo ku taalla gobolka Galgaduud waxa ka dhacay bilo ka hor dagaal u dhexeeyay ururka Ahlu Sunna iyo ciidanka gobolka ee dowladda federaalka ah.

Ilaa hadda waxa la ogyahay ayaa ah in rasaas ay leedahay Itoobiya loo adeegsaday dagaalkaas, taas oo aanu la’aanteed dagaal socon karin.

Wadahadalkii dhexmaray Sh. Maxamed Shaakir Cali oo ka socday dhanka Ahlu Sunna iyo Sarreeye Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka socday dhanka Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka soo baxay in heshiis dhowr qodob ka kooban oo aan wax la sheegaa ka hirgelin.

Fulin la’aantii heshiiskaas waxay horseedday in Ahlu Sunna oo ka careysan ka bixidda heshiiskaas ee dowladda Soomaaliya ay iyana dhankeeda ka baxdo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhigayay in qolo walba ay joogto meesha ay maamusho, kaas oo Ahlu Sunna ku koobayay Guriceel, ciidanka dowladda iyo maamulka gobolkana farayay in ay joogaan Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna waxay qabsatay Dhuusamareeb, iyadoo dibadda dhigtay ciidankii dowladda iyo maamulkii gobolka, taasina waxay dhacday iyadoo ciidanka Itoobiya ay joogaan Dhuusamareeb, waxay tallaabadaasi muujisay xiriir wada-shaqeynayd oo u dhexeeya Ahlu Sunna iyo hoggaanka ciidanka Itoobiya ee gobolka, balse waxaan maqlay in Itoobiyaanku sheegeen in aanay lahayn awood ay kula dagaallaan Ahlu Sunna mar haddii aan loo aqoon urur argagixiso.

Itoobiya waxay maanta haysataa fursado ka fiican kuwii ay haysatay 31 sano kahor, fursadahaas waxaa ugu weyn in xoogga dalka Soomaaliya uu ka baxay kaalintii uu uga jiray ciidanka waddamada Afrika, mar ayuu ka mid noqday xoogga dalka Soomaaliya afarta ciidan ee ugu tayo, tiro iyo tababar fiican qaaradda Afrika. Fursad kale ayaa ah in maanta uu hirgalay qorshihii qeybi oo xukun oo ay dejisay xukuumaddii Mingistu Xayle Maryan, kaas oo ka billaabmay kala qaybintii jabhadihii SNM iyo SSDF oo ka mideysnaa duminta xukunkii ciidanka ee Sarreeye Gaas Jaalle Siyaad. Hadda si walba xaaladdu waa ay uga duwan tahay sidii ay ahayd 31 sano ka hor, xilligaas waxa ay Soomaaliya lahayd ciidan looga cabsado haweysiga ciiddeeda, hase yeeshee maanta yaa ciidan u ah gobollada dalka qaar?

Waxa aad u yaraa muwaadin Soomaali ah oo ku gacan siinaya dowlad kale in ay qabsato ciidda Soomaaliya si dadban iyo si toos ahba.

Hadda Itoobiya waxay ka waddaa Gobolada dhexe qorshe la mid ah kii ay 31 sano ka hor ka wadday Balanbal iyo Goldogob, haddii ay beryahaas ku haysatay dalkeeda jabhado Soomaali ah oo ku caawiya in ay dumiso qaranka Soomaaliya markan waxa ay ku haystaa dalka gudihiisa, taas oo u fududeyn karta in ay qayb ahaan diiddo wixii aanay dooneyn ama ka weyso danteeda.

Ciidanka Itoobiya ee jooga Galgaduud waxa ay mas’uul ka yihiin shaqada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya taas oo ah la shaqeynta xoogga dalka Soomaaliya iyo ku caawinta dowladda Soomaaliya dejinta dalka, balse dhaqanka daneysiga siyaasadeed ah ee ay Itoobiyo ka waddo gobolada dalka qaar sida Galgaduud waxa uu u muuqdaa mid qayaxan oo aanu dabool saarnayn.

Waa maxay sababtu?

Saddexdii xukuumadood ee is xigxigay ee soo maray dalka muddada uu xilka hayo madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay raadiyeen xal iyo hab ay Ahlu Sunna uga mid noqoto nidaamka dowladnimada ee dhismihiisu uu weli socdo, dadaaladaas waxaa ka dhashay ballan-qaadyo badan oo aan wax badani ka fulin, taas oo Ahlu Sunna ka lumisay kalsoonida iyo aaminaadda dowladda, sidaas oo kale xukuumadihii is bedbedelayay waxa aanay ku guuleysan gaaridda xal kama dambeys ah oo Ahlu Sunna ay uga mid noqoto xukuumadda.

Dhowr qof oo ka tirsan Ahlu Sunna ayaan weydiiyay waxa ugu weyn ee ay doonayana in ay xaqiijiyaan si ay dowladda qayb uga noqdaan, waxaa ii soo baxay oo keli ah in ay doonayaan dowlad la fariisato oo u garowda, kaddibna howshii adkayd ee ay qabteen uga mahadcelisa.

Haddii madax ka tirsan xukuumaddeena ay ku fakareyso in ay ceeb ku tahay la hadlidda iyo la xaajoodka jabhad ka horjeedda aan isweydiino ceebta ka weyn in wax war lagu dhammeyn karaa ay soo jiidaan dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Itoobiya fursad weyn oo aanay weligeed helin ayay u tahay in ay Somaliland si gaar ah ula xiriiri karto, Puntland sidaas oo kale, Gobollada hadda dhismaya sida Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur-galbeedna iyada ayaaba u ah ilaalo, haddii loo baahdana waxay xiriir dhow la leedahay madaxda maamusha.

Aan isweydiino marka waxa u dhimman oo ay gaari lahayd. Waxaa ii muuqata in Itoobiya ay haysato wax ka badan intii ay ku hammineysay.

Gorgortanka muuqda ee aanay jirin cid kula jirta ayay ku geleysaa taageero aan bannaanka ool oo ay siiso xoog la jaal ah oo jooga Gobollada dhexe.

Shumaca la shido iyo feynuustu waa ay gubanayaan balse cid kale ayaa ka faa’iideysaneysa sidaa ayaan maanta u muuqanaa badankeen.

Haddii aad isleedahay Itoobiya waxa ay u joogtaa Gobollada dhexe iyo guud ahaanba dalka in ay taageerto dad iyo dowlad Soomaaliyeed malahaas gabbalkiisu wuu dhacay hankii Itoobiyana waa halkiisii haddiiba ay heleyso fursad ay dhulka oo dhan ku qaadatana muddo dheer ayay dadkeeda siyaasaddu ku fakarayeen sidii ay dhammaantiis u dhaxal wareejin lahaayeen.

Yooyootanka aan macnaha lahayn ee u dhexeeya Galmudugta cusub iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waa ceeb iyo dadnimo xumo soo muuqata, sidaas awgeed inta aad isku raacsan tihiin kuwada socda, inta aad isku haysaan ayay taasi ka badan tahay.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ku barbaaray waxna ku bartay Dhuusamareeb iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ku koray Cadaadana waxa la gudboon in ay muujiyaan Soomaalinimo iyo Islaamnimo si marka ay xilka ka degaan ama ay geeriyoodaan aan loo habaarine loo duceeyo, waxaad awood leedihiin inta aad xukunka haysaan ee uga faa’iideysta in aad awood yeelataan, intii shallaayi lahaydeen idinka oo ka degay xilka ama dhulka ka hooseeya, ogaadana hanka Itoobiya weli waa halkiisii.

W.Q: Axmed Ciise Guutaale