Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo sheegay musuq badan uu ka jiro doorashada

244

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed ay hareeyeen doorashooyinka Labada aqal ee ka kala dhacay deegaanada maamul goboleedyada, isagoo xusay in cabasho badan ay soo gaartay xafiiskiisa.

Dr. Nuur Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay lix kursi oo la doortay aan loo marin sifooyinkii sharciga ahaa, qaarkood gacan taag loogu codeeyay, isagoo tilmaamay in xafiiskiisa uu wado baaritaan ku aadan arrimahan.

“Arrinta iga soo baxday doorashooyinka sax ma ahan, cabasho badan ayaa xafiiskeyga soo gaartay oo ah in kuraasta qaar ay ku tartamayeen shaqsiyaad magac u yaal ah, qaarna tartamayaasha ahaa dibada lagu reebay, ergooyinka qaarkood lacag lagu kala gadanayay, waxyaabo abdan oo qalad ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanada maamul goboleedyada”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meelaha musuq maasuqa, gacan ka hadalka iyo awood sheegashada ay ka dhaceen ka mid yihiin Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo

“Jowhar waxaa ka dhacay  gacan ka hadal doorashada la xiriirta Cadaado sidoo kale qof baa lagu dilay, bishii hore dhamaadkeeda Baydhabo nin tartamayaasha ka mid ahaa ayaa banaanka lagu celiyay, oo la yiri wuu tanaasulay, Kismaayo waxaa ka dhacday in rag ergooyinka ka mid ahaa inay isku dilaan, waxyaabahaas oo cadeymo ah ayaa heynaa”ayuu yiri

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Waxaa uu sheegay in doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Hirshabelle iyo Galmudug ay diiwaan galiyeen lacag dhan Hal Milyan iyo saddex boqol oo dollar, isagoo ku tilmaamay sicir barar ka jira kuraasta qaar ee Xildhibaanada, gaar ahaan kuwooda ugu miisaanka leh.

Guddiyada doorashada ee maamul goboleeyada dalka ayaa waxaa uu ku eedeeyay  inay lacagaha ay qabteen aanay ku ridin akoonadii loogu tala galay, isla markaana ay jireen akoono si gaar ah loogu shubtay, waxaana uu xusay in halkaas ka maqan tahay isla xisaabtan

Hanti dhowraha waxaa uu  ugu dambayn sheegay in doorashooyinka ka dhacay deegaanada maamul goboleedyada aanay aheyn doorasho xalaal ah, isla markaana ay ka jiraan musuq maasuq iyo sicir barar, isla markaana qof walba wixii uu xaqa u lahaa aanu helin.