Hanti-dhowrka Qaranka: Dib Baa Loo Eegayaa Heshiisyadii La Galay

411

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Jimcaale Faarax oo wareysi siiyay Xaqiiqa Times ayaan wax ka waydiineynaa wixii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, halkii ay ku dambeysay howshii baaritaanka ahayd ee ay ku hayeen qaar ka tirsan wasiirradii xukuumaddii kalsoonida lagala noqday oo lagu eedeeyay inay wax isdaba-marin sameeyeen iyo arrimo kale.

Wareysiga oo uu qaaday Tifaftiraha guud ee Xaqiiqa Times, Yuusuf Xasan wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: Mudane Nuur waxaad nooga warrantaa halka ay mareyso howshii hanti-dhowrka qaranka?

Jawaab: Hanti-dhowrka meel hoose ayaan kasoo qaadnay. Maanta hanti-dhowrka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay hanti-dhowrada caalamka ka jira. Waxaan ka mid nahay hanti-dhowrada Afrika iyo kuwa Carabta. Sidoo kale waxaan bah-wadaag la nahay hanti-dhowrada Kenya, Itoobiya iyo Uganda oo aan talo wadaag nahay. Dhanka kale, Wasaarado badan ayaan baarnay 2014. Waxaan heynaa liiska hantida guurtada ah iyo midda ma guurtada ah ee wasaarad walba, macluumaad baan heynaa aan wax ku baarno. Sanad iyo barkii aan xafiiskan joogay waxaa noo qabsoomay wax aan taariikhda ka qabsoomin ilaa dowladdii milatariga ahayd oo ah xisaab-xir iyo xil-wareejin dhameystiran.

Su’aal: Waxaa jira in hadda kahor aad tiraahdeen 19 wasiir dalka kama bixi karaan oo musuq-masuq in ay ku dhaqaaqeen lagu soo eedeeyay. Arrintaas halkee ayay ku dambeysay?

Jawaab: Arrintaas waxay ahayd baaris, adduunka oo dhan ayayna ka jirtaa. Ruuxa baarista ay ku socoto dhaqdhaqaaqiisa waa xaddidan yahay ilaa ay baaristaas kasoo dhamaato. Baaristii way dhamaatay. Xil-wareejin ayaa dhacday. Ruuxii dambi lagu hayo maxkamad ayaa looga yeeri doonaa, ruuxii kalena socodkiisa iyo safarkiisa waa sidii loogu talagalay.

Su’aal: Cid maxkamad loo gudbiyay ilaa iyo hadda ma jirtaa?

Jawaab: Howl ayaa socota, inaan ka hordhacana ma doonayo.

Su’aal: Tan iyo intii aad shaqada billowdeen ma dhicin hal qof oo musuqmaasuq iyo dhac lagu eedeeyay in maxkamad la geeyay, warbaahinta ma aysan maqlin. Waxaa la sheegaa boob iyo wax isdaba marin baahsan inay jirto. Maxaad ka leedahay arrintaas?

Jawaab: Horta inta badan barnaamijkeenna 2014 intiisa badan wacyigelin ayuu ahaa. Waxaase jira dad laga qabtay Gobolka Banaadir, dad laga soo xiray Wasaaradaha, kuwa laga qabtay Jaziira iyo Buulo-Burde. Horta waxaas oo dhan ayaa jira ee qabasho la’aan ma jirto. Sidoo kale waxaa jira wax aan hore u jirin oo ah in sharciga laga baqo. Waa wax weyn, waana guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Su’aal: Ilaa intee ayaa sharciga laga baqaa mar haddii aysan jirin cid hore loo maxkamadeeyay?

Jawaab: Annaga ka hanti-dhowr ahaan dacwo ayaan soo oognaaye xukun ma fullino. Maxkamadeynta waxaa iska leh hay’adaha ku shaqada leh sida Maxkamadda Gobolka, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Xeer-ilaalinta.

Su’aal: Waxaad ka warrantaa heshiisyada sharci-darrada ah ee dastuurka iyo shuruucda dalka kasoo horjeeda oo hantidii dowladda lagu bixiyo, laguna kireeyo, qaar kalena ajnabi ay si sharci-darro ah ugu shaqeystaan?

Jawaab: Arrinta heshiisyada sida khaldan loo bixiyo sharci ayuu dalka leeyahay oo soo baxay 1961-kii, dib u habeyna lagu sameeyay 1962-kii oo ka hadlaya maamulka hantida dowladda oo ku qoran buugaagta ay dowladdu isticmaasho, gaar ahaan kuwa maaliyadda. Buugaagtaas waxay sheegayaan in hantida dowladda aan la hibeyn karin, in aan la iibin karin, laakiin la kireyn karo. Waddanka hadda wuxuu leeyahay guddi iib qaran iyo sharci uu ku shaqeeyo. Sharcigaas waa in la meel mariyaa. Wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 3 shirkad ay soo dalbadaan qandaraasyada. Kaddibna ay ku guuleysato shirkadda dhaqaale ahaan, qiime ahaan iyo khibrad ahaan buuxisa shuruudaha laga doonayo.

Su’aal: Laakiin sharcigii tartanka oo aan jirin ayaa waxaa jira dad waraaqo wata oo ganacsato u badan oo 50 sano, 100 sano loo saxiixay xarumo dan guud, kaalimo shidaal iyo dhismeyaal wasaarado, kuwaas oo ay wasiirro u saxiixeen. Taas maxaad ka leedahay?

Jawaab: Qandaraasyadaas la bixiyay ama heshiisyadaas la galayba dib-u-eegis ayaa lagu sameynayaa waxaana la waafajinayaa sharciga iibka qaranka.

Su’aal: Haddii aan taas ka gudubno, guryo dhaadheer oo la dhisayo ayaa lagu leeyahay hebel iyo hebel ayaa dhisanaya, inta uusan jagada qabaninna waxba ma uusan heysan oo qof la yaqaanno ayuu ahaa. Marka arrimahaas idinku maxaad kala socotaan?

Jawaab: Horta annagu waxaan baaris, hubin iyo dabagal ku leennahay hantida dowladda. Qofkii dowlad u shaqeeya iyo qofkii gaar ahba ee wax dhisanaya hantidaas xaggee ayuu ka keenay iyo inta uusan xilka qaban muxuu heystay? Adduunyada waa la isweydiiyaa, laakiin Soomaaliya heerkaas ma aysan gaarin. Waxaan haatan la daalaa-dhaceynaa ilaalinta hantida qaranka, hubinta in waxani hanti qaran yihiin iyo in kale, heshiiysada iyo qaabka dowladda shaqaalaha u qorato.

Su’aal: Taas lafteeda ayaa waxaa la leeyahay waxaa ka jira musuqmaasuqa ugu daran. Hay’adaha qaar, xitaa ciidanka waxaa la leeyahay boqolkiiba 90 waa jufo hebel iyo jufo hebel. Taas maxaad kala socotaan?

Jawaab: Baaris ayaan ku sameynay 25-ka wasaarad iyo hay’adaha kale ee dowladda. Waxaan eegnay shaqaalaha, tayadooda aqooneed iyo macluumaadkooda. Guddi ayaa jira ay tahay in uu imtixaan mariyo shaqaalaha dowladda ee la qorayo. In haddii ay boosas ka bannaanaadaan wasaaradaha iyo hay’addaha ay soo dalbadaan tirada ay doonayaan, ayna soo waydiistaan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah. Madaxweynaha wuu ka hadlay in qaabka shaqa qorista wax weyn laga beddelo, annaguna aad baan uga hadalnay, buugaagta ayaan ku qorannay, waana xayaysiinnay in shaqada iyo shaqaalaha wax weyn laga beddelo.

Su’aal: Waxaa jira warbixinno aad ururiseen oo aad uga hadleysaan xaaladda hanti-dhowrka, musuqmaasuqa dhacay, sida ay wax u socdaan iyo dhibaatada meelaha ay ka jirto. Goormee ayaad shaacineysaan warbixintaas?

Jawaab: Warbixintaas waxaan shaacineynaa hadduu Eebbe idmo marka ugu horreysa ee uu Baarlamaanku soo shaqo galo. Waa warbixin sanadle ah ee ma aha mid xumaan ama buunbuunin ah. Dal walba ayaa leh, Baarlamaanka ayaana loo gudbin doonaa oo ka baraan-dagaya haddii cid loo yeerayo oo su’aalo laga weydiinayo. Kaddibna shacabka ayaa xaq u leh in ay helaan baarista xisaabeed ee sanad kasta.

Su’aal: Hadii la maxkamdeyn waayo dadka aad ku heshaan dambiyo wax is-daba-maris ah maxaad sameynaysaan?

Jawaab: Arrinta maxkamadeynta sida aan hore uga soo hadlayba waa howl hay’adaha garsoorka laga sugayo oo ciddii fal-dambiyeed gasha inay abaalkeeda mariso. Annaga waxaa nalaga doonayaa inaan gal-dacwadeed soo gudbinno oo aan hay’adaha garsoorka u xalaaleyno inay tallaabo ka qaadaan.

Su’aal: Haddii tusaale ahaan nin wasiir ah ama mas’uul ah dambi lagu helo wax isdaba maris ah. Inta aad la socoto waagii hore dad ayaa la dili jiray. Sharciga aad ku shaqeysaan muxuu dhigayaa? Maxayse tahay ciqaabta ugu daran?

Jawaab: Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed isma beddelin. Baarlamaanka lama marin sharci burinaya kii dowladdii milatariga ahayd. Kol haddaan la marin kaas ayaa sharci ah. Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waa sidii.

Su’aal: Dhawaan waxaad warbaahinta u sheegtay in howshaadii ay hor istaagtay Ilaalada Madaxtooyada, kaddibna wax war ah ma aanan maqlin. Arrintaasi hadda xagee ayay mareysaa?

Jawaab: Xafiiska Hanti-dhowrku wuxuu ka mid yahay hay’adaha deggen Madaxtooyada ilaa 1975-kii. Hadda isfaham iyo wada shaqeyn ayaa jirta. Mar haddii ay shaqo socoto waa la isqabanayaa, wax baa dhacaya, isweydaar ayaana imaanaya, laakiin hadda waan ka gudubnay. Wada-shaqeyn buuxda ayaa naga dhaxeysa.

Wareysiga oo dhameystiran waxaad ka dhageysan kartaa mareegtan hoose. Saxaafaddu waa ay qaadan kartaa wareysigan laakiin waa in la xusaa xuquuqda lahaansho ee Xaqiiqa Times