Hashu Maankeyga Qaadaye Ma Masaar Bey Liqday!!!

Waxaa la yabaleh inaan maqalno ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobollada Dhexe si ay amniga u ilaaliyaan, sida ay sheeganayaan, inaan hadana maqalno Ciidanka Ahlu Sunnah ayaa Dhuusamareeb qabsaday oo maamulkii Dowladda ka qabsaday, hadana AMISOM difaaceysa aysan jirin.

Dhuusamareeb caasimad ayaa loo rabaa, Madaxweynaha ayaana xaqiijiyay, jabhad aanay dowladdu aqoonsaneyna waa ay qabsatay sidee umadda looga dhaadhicin karaa?

Haddii ay fowdadan Galguduud ka socoto ee AMISOM, Ahlu Sunnah iyo dowladda u dhaxeysa haddii ay sidan kusii socoto sidey suura gal ku noqon kartaa in maamul loo dhanyahay cadaado kasoo baxo? Maamulkii lagu dhisana xaggee laga hirgelin doonaa?

Waxa Gobollada Dhexe ka socda miyayna u muuqan hashu maankeyga qaadaye ma masaar bey liqday!!