Haween Danyar ah oo Lacago ay Ku Shaqaystaan La Gudoonsiiyay

Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC ayaa maanta waxa ay 20 haween ah u qeysbisay lacag, taasi oo ay ugu talagashay inay ku maareeyeen noloshooda.
Deeqdan lacagta ah ee loo qeybiyay 20-ka haween ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ayaa midkiiba la siiyay $500, iyadoo munaasabadii qeybinta lacagta ay goob joog ka ahayeen agaasimaha Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Haweenka, Ururrada bulshada rayidka ah, waxaana deeqdan lacagta ah bixisay hay’adda Axmed Nuur Foundation, iyadoo ay fulisay hay’adda SSWC.
Agaasimah SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in lacagtan loogu talagalay in haweenka ay ku shaqeystaan, kuwaasi oo isugu jira kuwa horey tacadiyo kala duwan loo geystay iyo kuwa kale, waxaana ay intaa ku dartay in haweenkan ay horey u siiyeen siminaaro ku saabsan xirfado ay ku shaqeystaan,.
Qaar ka mida Haweenka lasiiyay lacagaha ayaa ka mahadceliyay oo sheegay in ay waxbadan ka tarayso noloshooda waxna ku qabsandoonana lacagaha lasiiyay ee loogu talagalay in ay wax ku qabsadaan.
Xubno ka socday Wasaaradda Haweenka iyo bulshada rayadka ayaa sheegay in ay tilaabadani wax wanaagsan u tahay haweenkan danyarta ah ayna tahay tilaabo weyn oo ku daysasho mudan.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuuli Sheekh Axmed Gabale oo ka mid ahayd madaxdii lagu casuumay ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayaan tilaaabdan lagu caawinayo haweenkan danyarta ah aynatahay mid dhiirigelinayso haweenka Soomaaliyeed.
Hay’adda SSWC ayaa ka mida hay’adaha u dhaq dhaqaaqa difaaca haweenka iyo carruurta.