Haweenka Jubooyinka waa in ay hormuud u noqdaan nabada Soomaaliiya

216

walikismanyo (7) (1)Kismaayo, April 16.2014——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka kuwaasoo ka kala yimid gobolada Jubbada Hoose, Jubbadda dhexe iyo Gedo, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan.

Dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

www.Xaqiiqa.com